Disclaimer

Website-kan waxaa iska leh xafiiska Wakiilka Guud ee Qaxootiga iyo Dadka aan dalalka lahayn ee (CGRS).

 

MACLUUMAAD/WARBIXIN GUUD

Dhammaan waxyaabaha ku jira website-kan waxaa loogu talagalay oo keliyah macluumaad ahaan. waxyaabaha ku jira website-ka wax xaquuq ah lagama qaadan karo.

Si loo qiimeeyo codsiyada magangelyo ee shaqsi ahaaneed CGRS kuma xirna/ma xadidayso macluumaadka lagu daabacay www.asyluminbelgium.be . Macluumaadka ku jira website-kan waa mid sita nuxur si guud ah oo aan ku habboonayn duruufaha shakhsiyadeed ee qofka magangelyo-doonka ah. Isticmaaluhu ma ahan inuu u tixgeliyo macluumaadka lagu bixiyay website-kan mid shaqsiyeed, xirfadeed ama talo sharciyeed.

CGRS waxay qiimeeysaa tayada iyo sax ahaanshaha macluumaadka website-keeda. Macluumaadka ku jira  website-ka waa mid laga rabo inuu ahaado mid sax ah taariikhda la daabacay. CGRS waxay isku daydaa sida ugu wanaagsan, uguna macquulsan inay cusbooneysiiso  ama ay dhameystirto waxyaabaha ku jira website-keeda. Si kastaba ha ahaatee macluumaadka qaar ayaa laga yaabaa inuu waqtigiisu dhacay, oo aanu dhameystirneyn ama aanu sax ahayn. Haddii aad ku aragto qalad, fadlan la xiriir CGRS.

CGRS waxay xaq u leedahay inay bedasho ama dhameystirto waxyaabaha ku jira website-keeda ogeysiis la'aan. CGRS mas'uul kama noqonayso wixii waxyeelo ah ee uu  isticmaalahu kala kulmo si toos ah ama si dadban darteed.

CGRS waxay si weyn uga taxadartaa si looga hortago carqalado/go'gogid cilado farsamo dartood. Si kastaba ha noqotee, CGRS ma damaanad qaadi karto in website-ka  uu gebi ahaan xor ka yahay carqalado/go'gogid  ama dhibaatooyin farsamo oo kale. CGRS mas'uul kama ahan haddii uu shaqeyn waayo si meel gaar ah ama maqnaanshaha website-keeda.

 

XAQUUQAHA HANTI_QORAALEED

Waxyaabaha ku jira website-kan(oo ay kamidyihiin astaamaaha/calaamadaha, hab-dhismeedka bogga, xogta, qoraallada, sawirrada iyo dhammaan macluumaadka kale ee laga heli karo) waxaa  leh ama u sharciyeysanyahay CGRS waxaana ilaaliya xuquuqda lahaanshaha qoraalka ee ay leeyihiin CGRS ama dhinac kale oo saddexaad oo ay la leedahay qandaraas heshiis. Isticmaalahu waa inuu iska ilaaliyaa ku xadgudubka xuquuqda lahaanshaha hanti-qoraaleedka ee CGRS ama dhinacyada kale ee xaqa u leh. Gelitaanka website-kan macnaheedu ma ahan inaad wareegsan karto xaquuqda hanti-qoraaleedka.

Macluumaadka lagu diyaariyey ama loo dhex maro website-ka waxaa loogu talagalay oo keliyah isticmaal gaar ahaaneed. Isticmaalahu uma adeegsan karo macluumaad ama faylalka ujeeddooyin ganacsi.

Haddii si kale loo qeexo, isticmaalka shaqsi ahaaneed ee macluumaadka website-ka waa lacag la'aan waana la oggol yahay haddii CGRS lagu xuso ("macluumaadka laga helo www.asyluminbelgium.be", "macluumaadka laga helo Xafiiska Wakiilka Guud ee Qaxootiga iyo Dadka aan dalalka lahayn").

 

LINK-YO

Website-ka waxaa uu ka koobanyahay website-yo saddexaad, oo CGRS aysan xukumin. link-yada website-yada kale ku geynaya ma ahan macneheedu in laguu soo jeedanayo ama oggolaansho qayaxan ee bogga dibedda ah ama waxyaabaha ku jira. Tixraacyada website-yada oo aysan gacanta ku haynin CGRS waxaa loogu daray kaliyah in macluumaad ay siiyaan qofka soo booqday.

CGRS ma damaanad qaadi karto tayada boggaga ay biixsay tilmaamahooda. Inaad gasho ama isticmaasho  website kale ee ku xiran website-kan waxaa u sameynaysaa halistaada. Si kastaba ha ahaatee, waxaan kugula talineynaa inaad aqrisato bayaanka shuruucda asturnaanta xogta gaarka ah ama cookies ee websiteka ay quseyso.

Inaad ku daabacdid link website-kaga www.asyluminbelgium.be waxa ay suurtagal noqon kartaa oo kaliyah marka aad oggolaanshaha cad ka hesho CGRS.

 

XADIDNAASHAHA MASUULIYADA

CGRS mas'uul kama ahan waxyeelada tooska ah ama mida aan tooska ahayn ee ka timaada gelitaanka, la tashiga ama isticmaalka macluumaadka lagu daabacay website-keeda. CGRS ma aqbali karto wax masuuliyad ah oo ku saabsan qaladaadka ama ka reebida  macluumaadka lagu daabacay website-keeda. Isticmaalahu waxa uu mas'uul ka yahay xakameynta sax ahaanshaha, dhammaystirnaanshaha ama waxtarka uu leeyahay macluumaadka laga dhex helo website-ka.

CGRS waxa ay isku dayaysaa sida ugu macquulsan inay iska ilaaliso qaladaad farsamo, kala go'id ama qaladaad gudbinta xogta.CGRS sinaba masuul ugama ahan cilad ama hadii uu website-ka hawada uga baxo si kumeelgaar ah ama si joogto ah.

CGRS looma qabsan karo masuuliyada cilad ka timaada isticmaalka website-ka ama kala go' iyo cilado farsamo amaba qasaaro ku timaado website oo ay sababto cilad farsamo, fayris ama dhibaato lamid ah.

CGRS looma qabsan karo masuuliyada qasaaro, xogta oo lunta, shaqo joojin, waxyeelo ku timaada barnaamijyada ama xogta kale oo ku jirta kumbuyuutarka ama waxyeelada uu u geysto qalabka barnaamijyada ama Hardweer-ka iyo softiweerka ee soo gaarta qofka soo booqday website-ka  isagoo isticmaalaya si toos ah ama si dadbanba. Sheegasho kasta oo magdhow lacageed ah waa mid ka reeban