Dib u codsasho magangelyo

DVZ/OE waxay diiwaangelinaysaa oo keliya codsiyada cusub haddii go'aan diidmo ah aad horey uga heshay codsigaagii iyo kaddib markii la xiray habsocodkii racfaanka. Haddii ay dhacdo codsi cusub, CGRS waxay baaritaan ku sameyn doontaa caddeyn cusub taasoo kordhin karta fursaddaada inaad hesho sharciga badbaadada. Wax faaiido ah malahan inay soo gudbisato codsi cusub haddii aadan haysan wax caddeyn cusub ah.

Soo gudbin codsi cusub

Waxaad soo gudbin kartaa codsi cusub xafiiska laanta socdaalka. Sida codsiga koowaad oo kale, waxaad ku sameyn kartaa xarunta soo qaabilaada 'Qasriga Yar'. Wareysiga ka dhacaya DVZ/OE wuxuu kaliya saabsanaan doonaa cadeynta cusub.

Baaritaanka codsiga cusub

CGRS waxa ay baaritaan ku sameyn doontaa oo kaliyah codsi cusub haddii aad hayso caddeyn aadan horey u sheegin codsigaagii hore. CGRS dib uma baareyso caddeyn kasta oo horey baaritaan loogu sameeyey codsigaagii hore. Sidaas darteed mar kale ma sharixi kartid caddeyntii hore. Caddeynta cusub waa inay ahaato mid sare u qaadi karta fursadaada inaad hesho sharciga qaxootinimada ama kan badbaadada dhiman. Tan waxaa kamid noqon kara:

  • Xaqiiqooyin cusub oo dhacay kaddib codsigaagii magangelyo ee horey loo diiday;
  • dukumiinti cusub ama hadalado oo caddeyn kara in xaaladada ay ka duwantahay tii hore oo ay qiyaastay CGRS. Sikastaba ahaatee haddii aad soo gudbisay dukumiinti waa inaad sharixi karto sababta aadan markii sidaas u samayn waysay.

Codsi isxigxiga, CGRS uma baahna inay kugu casuumaanto wareysi shaqsiyeed, waxay qaadan kartaa go'aan  ku saleysan feylkaaga.

Go'aan

CGRS waxay qaadan kartaa labo go'aan midkood:

  • Go'aanka aan la aqbali karin haddii caddeynta cusub ee aad soo gudbisay aysan kordhineyn fursadahaaga inaad hesho magangelyo caalami ah;
  • Go'aanka aan la aqbali karin haddii CGRS ay ku soo gabagabeyso in caddeynta cusub ay kordhinayso fursadahaaga inaad hesho  magangalyada caalamiga ah. Markay qaadato go'aanka aqbalida, CGRS waxay caadiyan kugu casuumi doontaa wareysi, waxaadna heli doontaa warqad casuumaad ah. CGRS waxay si faahfaahsan u baari doontaa caddeynta cusub si ay go'aan u gaarto. Waxaad joogi kartaa oo keliya xerada qaabilaada kaddib marka CGRS ay qaadato go'aanka aqbalaada.

Haddii meesha aad u dooratay in cinwaankaga deganaansho uu yahay cinwaanka CGRS, waa inaad ballan ka qabsataa  si aad u soo qaadato boostadaada (tusaale sida go'aanka lagaa gaaray). Waxaad ku sameynsan kartaa tani hab taleefoon ahaan ah (02 / 205.53.05) ama Emayl (cgra-cgvs.advocate@ibz.fgov.be). 

Racfaan

Haddii aadan ku raacsaneyn go'aanka, waxaad geynsan kartaa rafcaan  Golaha Dacwadda Sharciga ajnabiga (RvV/CCE). Weydii inuu kaa caawiyo tan qareenkaaga/abuukaatahaaga. U samee si dhakhso leh sababtoo ah  xilliga racfaanka wuu yaryahay.