Da'yar yar aan qaangaar aheyn ee la wehlinayo

Da'yar aan qaangaar aheyn ee la wehlinayo waa da'yar aan qaan gaarin ee Biljim kula nool waalidiintood ama masuul sharci ah. Haddii waalidiintood ay soo gudbiyaan codsi magangelyo, carruurtana.

CGRS kuma casuumeyso wareysi inay la yeelato carruurta, waalidiintooda ayaa la siinayaa fursad ay ku sharaxaan ujeeddooyinka carruurtooda.

Xaaladaha soo socda, ayay CGRS waxa ay aan caadi ahayn ugu yeeri kartaa ilmo yar ee la wehlinayo wareysiga:
 

Da'yarku wuxuu doonayaa in uu isagu sameeyo bayaankiisa magangelyo

Haddii da'yarka la helinayo uu leeyahay ujeedo magangelyo oo  u gaar ah, uuna doonayo inuu si shaqsiyan ugu sharaxo CGRS, da'yarka ayaa u sheegi kara CGRS arrintani. Si tan loo sameeyo, ma ahan lagama maarmaan  in da'yarka  uu isagu soo gudbiyo codsigiisa gaarka ah. CGRS ayaa go aansan karta haddii ay ku casuumayso da'yarka, waxayna tixgelin doontaa  da'diisa. Wareysiga CGRS wuxuu dhacayaa iyadooo aanay joogin waalidiinta ama masuu. Qareen/abuukaate ayaa loo baahan yahay inuu joogo. da'yarka ayaa loo oggol yahay inuu keeno qof lagu kalsoon yahay. Qofka lagu kalsoon yahay waa qof  xirfadle ah oo ku takhasuusay caawinta dadka ama sharciga qaxootinimada, tusaale adeege bulsho, cilmi nafsiyahan ama daweeye. Qofka lagu kalsoon yahay waa inuu u oggolaansho ka helaa CGRS si uu uga qeybgalo  wareysiga.

CGRS waxay ku casuumeysaa da'yarka wareysi iyadoo aysan waajib ahayn

CGRS waxay go'aansan kartaa inay ku casuumaan da'yarta haddii ay jiraan sababo gaar aheed in sidaas la sameeyo iyo haddii tani ku jirto danta da'yarka. Da'yarka kuma uu qasbana inuu aqbalo casuumaada. haddii uu da'yarku diido, tani kuma yeelanayso cawaaqib xun ah. Haddi da'yarku aqbali casuumaada,waxaa la codsanayaa inuu joogo qareen/abuukaate. Waalidka looma ogola inuu ka qeybgalo wareysiga. Da'yarka waxa uu soo kaxeysan karaa qof lagu kalsoon yahay.

Wareysiga lala yeelanayo da'yarka  la mid ma ahan wareysiga qofka weyn. CGRS runtii waxay qiimeyn doontaa aragtida da'yarka. Ma jiro da ' ugu yar laakiin da'yarku waa inuu lahaadaa garasho iyo aragti ku filan oo uu u dhisi karo fekerkiisa.

Da'yarku wuxuu soo gudbiyaa codsigooda gaarka ah

Da'yar la wehlinayo wuxuu xaq u leeyahay inuu soo gudbisto codsi iyaga u gaar ah. waxyaabaha soo socda ayaa muhiim ah in la oggaado:

  • Haddii waaldiinta da'yarka ay sidoo kale soo gudbisteen codsi oo aysan weli helin go'aan, si wadajir ah ayaa codsiyada looga tacaalayaa. CGRS waxay ku casuumaysaa da'yarka wareysi, iyadoo aysan joogin waalidka haddii da'yarka uu ka weyn yahay 7 sano jir, waa haddii da'yarka uu leeyahay garasho ku filan. CGRS waxay tixgelineysaa da'da uu jiro da'yarka, baaluqnimadiisa iyo jilicsanaantiisa. Waxaa loo baahanyahay joogitaanka qareen/abuukaate wareysiga. da'yarka ayaa soo kaxeysan kara qof lagu kalsoon yahay.
  • Haddii CGRS ay horey u diiday codsigii waalidiinta, da'yarka waxaa lagu casuumi doonaa wareysi, kaasoo inta lagu gudo jiro su'aalo la xiriira sababaha shaqsi ahaaneed ee da'yarka u soo dalbaday magangelyada. Waxaa loo baahanyahay inuu joogo qareen/abuukaate. Haddii da'yarka uusan laheyn sababo iyaga u quseeya, CGRS waxay qaadanaysaa go'aan aan la aqbali karin. Da'yarka wuu soo kaxeysan karaa qof lagu kalsoon yahay.
  • Haddii da'yarku uu haysto sababo u gaar ah oo uu ku soo gudbisto codsi  magangelyo, CGRS waxay kaliya ku casuumeysaa ilmaha wareysi waa haddii da'yarka uu leeyahay garasho ku filan. CGRS waxay tixgelineysaa da'da uu jiro da'yarka, baaluqnimadiisa iyo jilicsanaantiisa. Da'yarka waa inuu sheegaa sababta isaga ama iyada aysan ugu laaban karin wadankeeda. Waxaa loo baahanyahay joogitaanka qareen/abuukaate. Da'yarka waxa uu soo kaxeysan karaa qof lagu kalsoon yahay.
  • Haddii waalidiinta ay soo gudbiyaan codsi la xiriira ilmahooda ka yar 7sano jir waxaa laga doonayaa inay sharaxaan sababaha inta lagu gudo jiro wareysiga CGRS . Inta lagu gudo jiro wareysiga su'aalo la xiriira ilmaha  ayaa la waydiin doonaa.