Da'yar yar aan qaangaar aheyn oo aan la wehlinin

Haddii aad codsato magangelyo adiggoo da'yar ah (18 sano ka yar) oo waalidiintaa  ama masuul sharci ah aana kuu joogin Biljim, waxaa lagu marsiin doonaa nidaamka da'yar aan qaangaar aheyn oo aan la wehlinin. Habsocodkaana wuxuu la mid yahay kan dadka waaweyn, laakiin wuxuu leeyahay waxyaabo gaar u ah.

Bilaabida habsocodka magangelyada
Dalbasho Magangelyo

Bilowga habsocodka magangalyada:

  • Waxaad ku buuxinaysaa foomka qeexitaanka  macluumaadka aqoonsigaaga xafiiska xafiiska laanta socdaalka ee (DVZ/OE). Waxaad tustaa dukumiintigaaga aqoonsiga, soo bandhig dukumiinti kasta oo quseeya sababaha aad uga soo qaxday wadankaaga;
  • Waxaa laga yaabaa in qiimeyn da'da ah la sameeyo;
  • Adeegga Mas'uul ahaanshaha ayaa kuu samayn doona masuul haddii ma xaqiijiyo inaad tahay da'yar.

Nidaamka diiwaangelinta  wuxuu la mid yahay kan dadka waaweyn. 

Inta lagu gudo jiro  wareysiga koowaad ee DVZ/OE, waxaa loo baahanyahay in uu joogo masuulkaaga. Waxaa sii dheer intaas, wareysiga koowaad wuxuu u egyahay kan dadka waaweyn oo kale. 

Wareysiga koowaad

Qeexida wadada

DVZ/OE waxay kugu casuumaysaa wareysi ka dhacaya cinwaanka soo socda: Boulevard Pacheco 44, 1000 Brussels.

Ujeedada wareysiga koowaad

Inta lagu gudo jiro wareysiga, DVZ/OE waxa ay ku waydiin doontaa su'aalo la xiriira  aqoonsigaaga, xaalada qoyskaaga, goobihii aad soo daganeed, safarkaagii Biljim iyo sababaha codsigaaga magangelyo. Hubso inaad dhiibto dhamaan waraaqahaaga aqoonsiga iyo dukumeenti kasta oo kale oo xiriir la leh sababaha aad uga soo qaxday wadankaagii. Inta uu socdo wareysiga sheeg dhamaan sababaha keenay soo bixitaankaga. 

Wareysigan koobaad waa mid aasaas u ah wareysiga lagugula yeelan doono (CGRS), kaasoo looga hadli doono sababaha aad u dalbatay magangelyada oo faahfaahsan. 

Wareysiga labaad
Diyaaringarowga wareysiga labaad

Adiga iyo mas'uulkaaga iyo / ama qareenka/abuukaate, waxaad isku diyaarisaa wareysiga CGRS. Waxaad dummareysaa  dhammaan sababihii aad uga soo qaxday wadankaagii iyo sababta aadan u noqon karin ama aadan u rabin inaad ugu laabato. Adiga oo caawimaad ka helaya mas'uulkaaga, waxaad isku ururinaysaa dukumiintiyada ku saabsan aqoonsigaaga, qoyskaaga iyo sababaha aad u soo carartay.

Dadka goob jooga ka ah muddada wareysiga socdo

Masuulkaaga waa inuu goobjoog ka ahaadaa wareysigaaga.

Haddii aad ka yar tahay 15 sano jir, wareysiga wuxuu ka dhacayaa qol ku habboon. Waxaad si xor ah u sheegi kartaa sheekadaada, laakiin sidoo kale waxaad ku sharixi kartaa sawir-gacmeed ama boombayaasha loo yaqaano Duplo® dolls.

Masuulkaaga wuu ku caawin doonaa inta lagu gudo jiro wareysiga wuxuuna ka hadli karaa. Isaga / iyadu waxay hubineysaa inaad si xor ah u sheegto dhammaan sababaha aad u soo carartay.

Masuulkaaga wuu ku caawin doonaa inta lagu gudo jiro wareysiga wuxuuna ka hadli karaa. Isaga / iyadu waxay hubineysaa inaad si xor ah u sheegto dhammaan sababaha aad u soo carartay.

Waxa kale ku caawin kara qareen/abuukaate. Inta lagu guda jiro wareysiga, qareenka/abuukaataha wuu arkayaa in wax walba si sax ah u dhacaan, waxaa kaliyah oo loo ogol yahay inuu hadaldo dhamaadka.

Waxyaabaha uu ka koobanyahay

Inta lagu gudo jiro wareysiga, waxaa muhiim ah in aad:

  • sheegto wixii dhab ahaan kugu dhacay
  • bixi macluumaad daacad ah oo ku saabsan qaraabadaada iyo meesha ay ku suganyihiin;
  • sheeg sheekadaada, ma ahan waxyaabaha aad ka maqashay dadka kale ama wixii qof kuu soo jeediyey.

Sheeg waxyaabaha aad la kulantay iyo sababta aadan u noqon karin ama aadan u rabin inaad ugu laabato dalkaaga. Sheeg sheekadaada. Ha sheegin sheeko kale ama wax laguu soo jeediyey, laakiin sheeg wixii kugu dhacay shaqsi ahaantaada. Inta lagu guda jiro wareysiga, waxaa la qiimeyn doonaa inay run tahay sheekadaada. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad xaaladaada dhabta ah ka bixiso aragti cad oo dhamaystiran. 

qofka wareystaha ah ayaa ku weydiin doona su'aalo badan. Hadaadan garaneynin jawaabta su'aal, sidaas u sheeg. Tani way ka fiican tahay inaad jawaab abuurto.

Wax walba oo aad sheegto wareysiga dhexdiisa waxaa loola tacaali doonaa si qarsoodi ah. Tan macnaheedu waa in CGRS aysan cidna la wadaagi doonin macluumaadkan.Weligood ma ogaan doonaan inaad dalbatay magangelyo ama waxaad u sheegtay CGRS wadanka aad ka soo jeedo ama dadka ku soo dhibaateeyay. Wixii aad sheegtay lalama wadaagi doono xubnaha qoyskaaga haddii aadan sidaas dooneyn.

Wareysiga wuxuu qaadanayaa celcelis ahaan seddex ilaa afar saacadood, laakiin wuu ka dheereyn karaa ama ka gaabi karaa. Nasasho ayaa la qorsheeyey kadib hal saac iyo badh ka dib. Waligaa waad dalban kartaa nasasho naftaada hadaad mid u baahato.

Dukumintiyo iyo caddeymo

Waxaa muhiim ah inaad soo gudbiso dukumiintiyo asal ah/orjinaal ah kuwaas oo caddeynaya qofka aad tahay iyo dhibaatooyinka aad kala soo kulantay wadankaaga. Dukumiintiyada muhiimka ah waxaa kamid ah tusaale ahaan baasaboorkaaga ama kaarkaaga aqoonsiga. Haddii aadan haysan wax dukumiinti aqoonsi ah, waxaad sidoo kale soo gudbin kartaa dukumiintiyo kale oo caddeyn kara aqoonsigaaga, sida shahaadooyinka dugsiga/iskuul, dukumiintiyada aqoonsiga ee waalidkaa ama buuga millatariga. Sidoo kale isku soo ururi dukumiinti cadeyn kara sababta aadan u noqon karin ama aadan u rabin inaad ugu laabato dalkaaga, tusaale ahaan dukumiintiyo la xiriira sharciga.

Waxaad sameysaa wax kasta oo suurtagal ah si aad u hesho in dukumiintiyada asalka ah laguu soo diro, hana reeban wax dukumiinti ah.

Soo gudbi dukumiintiyo la xiriira xaaladaada shaqsi ahaaneed. Lagaama doonayo inaad  inaad soo uruuriso dukumenti macluumaad guud oo ku saabsan waddankaaga. Waa lagaa hubaa  in CGRS ay ka warqabto xaaladda waddankaaga.

Haddii aadan haysan wax dukumiintiyo ah, qeex sababaha arrintani wareysiga gudahiisa. tan inta lagu jiro wareysiga. Ha qaadan wax dukumiinti ah oo la been abuur ah sababtoo ah tani waxay saameyn xun ku yeelan kartaa qiimeynta codsigaaga magangelyo.

CGRS waxay u hayn doontaa dukumiintiyada aad soo bandhigtay si badbaado leh. Waxaad weydiinsan kartaa wakhti kaddib inta ay socoto howshaada.
 

Go'aan

Wakhtiga sugitaanka

Wareysiga kadib, waxaad dib ugu laaban doontaa xerada qaabilaada ama goobta aad degan tahay. Islamar ahaantaas, wareystaha ayaa falanqeyn ku sameyn doona dhammaan macluumaadka lagama maarmaanka u ah go'aan. Wuu kala duwanaan karaa wakhtiga sugitaanka  go'aanka. CGRS waxay hiigsaneysaa inay go'aan ku gaarto muddo labo bilood gudahood wareysiga ka dib, haddii aan loo baahnayn falanqeyn dheeraad ah. Qof kale oo isku wadan aad tihiin  oo Biljim yimid gadaashaa ayaa laga yaabaa inuu kaa hor helo go'aan. Tani maahan sabab loo walwalo. Codsi kasta oo magangelyo waa ka duwan yahay waxaana loo baaraa shaqsi ahaan. CGRS way ogtahay in waqti sugitaanka dheer uu leeyahay walwal iyo hubitaan la'aan. Waxa ay samaynaysaa wax walba si ay u qaadato go'aan si deg deg ah.

Sidee CGRS u qaataa go'aan?

Kaddib wareysigaaga labaad, CGRS waxay baaritaan ku sameyn doontaa codsigaaga. CGRS waxay tixgelineysaa:

  • da'daada, asalkaga, heerka waxbarashadaada, jinsigaga and baaluqnimadada;
  • xaqiiqo ahaan da'yar ahaan, uma dareentid wax walba si la mid ah sida qofka weyn.

Ugu horeen CGRS waxay qiimeyn ku sameyn doontaa sugnaanshaha hadaladaadii iyo dukumiintiyadaada:

  • Ma saxanyihiin macluumaadkii aad dhiibtay intii lagu guda jiray wareysiga?
  • Ma kuwa run ah baa dukumiintiyada?
  • Ma yihiin hadaladaadii kuwa lagu kalsoonaan karo, ama ku saabsan ha ahaadaan kuwa la xiriira asalkaaga ama dhibaatooyinka aad la kulantay?

Haddii hadaladaadii iyo dukumiintiyadaada lagu kalsoonaan karo, CGRS waxay hubin doontaa in dacwadaada ay hoos imaanayso heshiiska Qaxootiga Geneva, waxaa loola jeedaa  in aad ka  cabsi qabto ciqaab sabab la xiriira wadanka aad u dhalatay, asalkaaga, diintaada, aragtidaada siyaasadeed ama inaad xubin ka tahay koox bulsho oo gaar ah. 

Haddii aan lagu siin karin sharciga qaxootinimo, CGRS ayaa baaritaan ku sameyn doontaa in lagu siiyo badbaadin dhiman. Tani waxaa kamid noqon kara haddii aad la kulmeyso qatar halis aad ku geli karto wadankaagii sababtoo ah ciqaab dil ah ama dil, jirdil, habdhaqan bina'aadanimada ka baxsan ama sharaf-dhac ah ama ciqaab ama rabshad aan kala sooc lahayn oo uu sababay dagaal.

Haddii lagu siin waayo sharciga qaxootinimada ama kan badbaadada dhiman. CGRS waxay qaadanaysaa go'aan diidmo ah.

Haddii aadan ku raacsaneyn go'aanka ay gaartay CGRS, waxaad geyn kartaa rafcaan  Golaha Dacwadda Sharciga ajnabiga (RvV / CCE).